Howlgal gaar ah oo caawa ciidamo ka tirsan mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala Banaadir ay ka fuliyeen xaafadda Siliga ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen xubin ka tirsan baarlamaanka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Koonfur galbeed.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay mujaahidiiintu Allaah fadligiis caawa ku dileen murtad Ibraahim Cabdi Cabdiraxmaan oo loo yaqiinnay (Xildhibaan) kaas oo ka tirsanaa xildhibaannada maamulka Riddada ee Koonfur-galbeed, howlgalkan caawa ka dhacay Muqdisho ayaa qayb howlgallada ciidamada mujaahidiintu ku ugaarsanayaan xildhibaannada murtadiinta.
26-ka bishii lasoo dhaafay ee Aprill ayay ahayd markii howlgal gaar ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, kaas oo horay usoo noqday xildhibaan ka tirsan golaha dawaaqiidda ee maamul gobaleedka ashahaada la dirirka ah ee Koonfur galbeed.