Iska hor’imaadyo culus oo khasaara nafeed dhaliyay ayaa maalintii labaad ka socda gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo daacad u ah dowladda Ridada ay toogteen Xildhibaan katirsanaa maamulka gaala raaca isku magacaabay Koonfur galbeed islamarkaana ay isku dhowaayeen Murtad Mukhtaar Rooboow oo Xabashida Itoobiya xabsiga dhigeen.
Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ladilay Xildhibaan Cabdi shakuur Yacquub Ibraahim xilli uu ku socdaalayay bartamaha magaalada, rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa inta badan xaafadaha magaalada.
Ciidamo bishii lasoo dhaafay ay xukuumadda Kheyre diyaarado ku geysay Baydhabo ayaa dagaal culus kula jira maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamo daacad u ah Mukhtaar Rooboow.
Jawiga magaalada ayaa ah mid qasan waxaana xiran dhammaan suuqyada waaweyn ee magaalada Baydhabo, ciidamada Xabashida Itoobiya oo dagaalkii shalay ku lug lahaa ayaa maanta aan qeyb ka aheyn colaadda waxayna difaacyo ka xirteen afaafka hore ee saldhigyada ay magaalada ku leeyihiin.
Masha Allah