Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar qorsheysan oo ka dhacay magaalada Qandahaar lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlada daba dhilifka fadhigeedu tahay magaalada Kaabul.
Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan waxaa lagu dilay xildhibaan lagu magacaabo Mucalim Miir-wali oo sidoo kale mar ahaa dagaal ooga caan ku ahaa la dagaalanka diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta.
Xildhibaanka la dilay ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda gobalka Helmand’waxaa xilliga la dilayay xildhibaankan safar qarsoodi ah ku joogay magaalada Qandahaar.
Webka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahiyay in weerarkan qorsheysan ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan’waxey sidoo kale saraakiil ka tirsan Imaarada sheegeen in xildhibaankan la dilay qeyb ka ahaa xubnihii dowlada Nasaarada Mareykanka ka gacan siiyay howgalkii lagu dilay Waaligii Gobalka Qunduuz Sheekh Mulla Cabdi Salaam oo lagu dilay duqeyn dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Qunduuz.
Calamada.com