Weerar qorsheysan oo loo adeegsaday qarax ayeey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen gudaha degmada Cabdi casiis ee wilaayada Banaadir.
Qaraxa waxaa lala beegsaday gaari uu leeyahay Murtad Muxidiin Xasan Afrax oo horay usoo noqday Xildhibaan waxaa Muxidiin la socday oo gaari la saarnaa xildhibaan hore Murtad Xuseen Caraale caddaan.
Qaraxa ayaa sababay dhaawaca labada nin ee horay usoo noqday xildhibaano waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay Afar askari oo ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee Muxidiin Xasan Afrax gaariga qaraxa lala beegsaday burbur xoogan ayaa soo gaaray.
Dabayaaqadii bishii December 2020 ayuu Ex.Xildhibaan Muxidiin sidaan oo kale uga badbaaday qarax lagula beegsaday bariga magaalada Muqdisho balse xiligaas ma dhaawacmin.
Calamada.com