Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay isku dhac u dhaxeeya ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ku dhexmaray gudaha degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
Sida ay wararku nagusoo gaarayaan sarkaal Itoobiyaan ah waxa uu toogasho ka geystay isku imaatin ay saraakiil melleteri ku lahaayeen saldhig kuyaal garoonka diyaaradaha Diinsoor.
Toogashada waxaa ku dhintay sarkaal sare oo Itoobiyaan ah halka 4 kale ay ku dhaawacmeen, Askarigii toogashada geystay ayaa ku booday gaari taangi ah oo xerada yiillay waxaana usuurtagashay in uu u baxsado dhanka degmada Qansaxdheere.
Sarkaalka dilka geystay ayaa markii uu gaaray degmada Qansaxdheere waxaa toogtay ciidamo Itoobiyaan oo laga soo daba diray markii uu kasoo cararay degmada Diinsoor.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan degmada Diinsoor,waxaana suura gal ah in markale Xabashida Itoobiya ku dagaalamaan gudaha degmadaasi.