Ciidamo Mareykan iyo maleeshiyaad Somali ah isugu jira ayaa shalay dhaqdhaqaaq ka sameeyay duleedka magaalada kismaayo waxaana ay si dhuumaalaysi ah ku yimadeen deeggaanka Baar-Sanguuni.
Ciidamo Mujaahidiinta oo sii aad ah ula socday dhaqdhaqaaqooda ayaa ugu dambeeyntii markii ay soo gaareen Baar-sanguuni ku bilaabay gantaalo iyo madaafiic isdaba jooga ah.
Tiro madaafiic ah ayaa lagula eegtay bartamaha iyo hareeraha wadada laamiga oo ay xilligaas ku sugnaayeen ciidamada huwanta ee Mareykanka iyo Murtadiinta.
Lama xaqijin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Murtadiinta ka soo gaartay weerarkaas.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka iyo maleeshiyaatka la socda ay isaga carareen deegaanka Baar-sanguuni islamarkana ay u baxsadeen dhinaca deegaanka buulo-gaduud oo ay fariisin ciidan ku leeyihiin Murtadiinta