Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Shabaabul Mujaahidiin iyo ciidamo isugu jira Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa maamulka daba dhilifka Axmed Madoobe ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Buulo gaduud oo ka mid ah deegaanada hoos taga magaalada Kismaayo.
Dagaalkan oo Labo jeer dhacay ayaa yimid kadib markii ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Murtad Axmed Madoobe isku dayeen iney dhaq dhaqaaqyo ka sameeyaan duleedka deegaanka Buulo gaduud balse waxey iska caabin iyo dagaal xoogan kala kulmeen dhanka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in kolanyada American-ka iyo kuwa maamulka daba dhilifka isku magacaabay Jubbo Land lagu jabiyay Labadaasi dagaal waxeyna ugu dambeyntii magaalada Kismaayo la galeen ugu yaraan Toban askari oo kaga dhaawacantay dagaaladaasi.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaatka maamulka Murtad Shariif Sakiin kasoo gaartay dagaal culus oo iyaga iyo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dhexmaray duleedka degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaasi waxaa maamulka Ashahaado la dirirka Shariif Sakiin looga dilay Lix askari oo Saddex ka mid ah laga qaatay Qoryihii ama hubkii ay ku dagaalamayeen waxaana hubkaasi gacanta ku dhigay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.
Calamada.com