Qarax xoogan ayaa lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan dowlada Farmaajo,iyadoo faahfaahin laga helayo qaraxaasi.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan,dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafado badan oo ka tirsan Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in qaraxaasi lagu dhaawacay sarkaalkii Hadafka ahaa iyo askari la socday kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Mas’uuliyadda Qaraxan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta ALshabaab,waxa uu kusoo aadayaa qaraxan xilli Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar qorsheysan ku qaadeen Isbaaro maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka dhigteen Biyo degga Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.