Qarax ka dhacay duleedka degmada Matabaan ee Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya waxaa lala beegsaday gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan Federaalka.
Qaraxan waxaa lagu dilay Labo sarkaal oo kala ahaa gudoomiyihii hore ee maamulka Murtadiinta ee degmada Matabaan Cabdullaahi Cumar Xaashi (Indha-Biriq) iyo sarkaal kale oo ka tirsanaa maamulka Matabaan kaasi oo isagana lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen.
Sidoo kale waxaa qaraxan lagu dhaawacay labo askari oo Murtadiin ah, Iyadoona qaraxa uu burburiyay gaarigii ay saraakiishaas la socdeen.
Dhanka kale Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxey ku dileen Sarkaal Murtad ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Cusmaan oo in muddo ah lagu raad joogay kuna lug lahaa fal dambiyeedyo kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo ku magacdheeraa Garas ayaa la sheegay inuu mas’uul ka ahaa dilka dhalinyaro tobanaan ah oo sanadihii 2011 ilaa 2012 lagu laayey magaalada Muqdisho xilligaas oo uu la shaqeynayey taliyihii sirdoonka gobolka Banaadir Khaliif Erig.
“Mujrimkan wuxuu ahaa dambiile in muddo ah lagu raad joogay, wuxuu laayey dad shacab ah iyo walaalo Mujaahidiin ah oo uu ku jiro walaalkeen Cabdi Majiid oo ka mid ahaa halyeeyadii ka howlgali jiray Muqdisho” Sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Jihaazka amiga ee Shabaabul Mujahidiin.
“Ka taqalusidda ninkaas mujrimka ah wuxuu mar kale farriin cad u gudbinayaa saraakiisha cadawga, taas oo nuxurkeedu yahay in gacanta dheer ee Mujaahidiinta ay gaari doonto qof waliba maalin maalmaha kamid ah godob ka galay ummadaas Soomaaliyeed ee Muslimka ah ” ayuu sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin.
Ninkan oo darajadiisu ahayd gaashaanle sare kana tirsan sirdoonka DFS ayaa howlgalka lagu khaarijiyey waxaa uu ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, Iyadoo raggii howlgalka fuliyeyna ay si nabad ah goobta uga dhaqaaqeen.