Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ayaa sheegaya in maanta duhurkii halkaas qaraxa lagula beegsaday Ridada Jabuuti iyo kuwa kooxda Ridada Soomaaliya.
Goob joogayaal ayaa sheegay in jugta qarax xooggan laga maqlay dhammaan xaafadaha degmada waxaana lala helay bar koontarool oo ay si wadajir ah ugu sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Hirshabelle.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxii maanta ay ku dhinteen illaa sedax askari oo katirsanaa ciidanka dowladda kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Yuusuf Indha Cadde,Cabbeey Xasaboow iyo Ciidoow.
Wararka ayaa intaas ku daraya in illaa 4 askari ay ku dhaawacmeen qaraxii Buula Buurte waxaana mas’uuliyaddan qaraxn sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.