Kooxaha mucaaradka Sunniyiinta ah ee Suuriya ka dagaallama ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah oo kuyaal Suuriya, kaddib markii ay iclaamiyeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah Nuseyriyada Suuriya iyo shiicada.
Xoogaggaan ayaa la wareegay magaalada istiraatiijiga ah ee Khan Al-cassal, waxayna magaalada si rasmi ah ugu biirtay 32 tuulo oo ay gacanta ku dhigeen xooggagu, kuwaas oo ku yaalla baadiyaha galbeed ee gobolka Xalab.
Wararku waxay intaas ku darayaan in xooggaga Sunniga ah oo adeegsanaya diyaarado Drones ah iyo ciidamo lug ah ay gacanta ku dhigeen 5 tuulo kale oo ku yaalla bariga Idlib, dagaallada socda ayaa dhaliyay khasaare baaxad leh oo la gaarsiiyay ciidanka Bshaar Al-asad, ciidankan ayaa sidoo waxaa laga qabtay dhowr askari oo maxaabiis ah.
Dhanka kale muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay xoogagga kacdoonka oo gacanta ku dhigaya gaaska 46-aad ee ciidanka Suuriya iyo degmada muhiimka ah ee Khaan Al-Casal.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo sheegay in soddomeeyo ka tirsan ciidamada nidaamiga ah ee uu madaxa u yahay Al-asad ay iyagoo maxaabiis ah ku dhaceen gacanta xoogagga wax iska caabinta sunniga ah, waxayna tani noqonaysaa guulihii ugu waaweynaa oo ay xoogagan xaqiijiyaan tan iyo 2016-kii, kolkaas oo ciidamada Ruushka iyo Iiraan ay nidaamka Al Asada usuurta geliyeen dib u qabsashada inta badan waddanka Suuriya.
Maleeshiyada Nuseyriyada waxaa taageeraya ciidamada saliibiyiinta Ruushka iyo maleeshiyaadka shiicada ah ee Iiraan taabacsan.