Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga Jubbada hoose, waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la eegteen xubno gaalo Kenyan ah oo Kirishtaanka ku faafinayey magaalada Dhoobley.
Howlgalkan barakaysan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay hal gaal oo Kenyaan ah, halka sidoo kale lagu dhaawacay ilaa saddex kale oo gaalo Kenyaan ah, kuwaas oo laba ka mid ah uu dhaawacoodu yahay mid garaab ah.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay qarax culus la beegsadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin xaafadda Buulo jameeco ee ka tirsan magaalada Baydhaba, khasaare gaaray murtadiinta ayaana jira.
Dhanka kale, Cumar Kaniini, oo ahaa sarkaal hal xidigle ah oo ku dhaawacmay howlgal qarax ah oo ciidanka mujaahidiintu shalay ka fuliyeen inta u dhaxaysa degmooyinka Baladxaawo iyo Dooloow, ayaa goor dambe u dhintay dhaawicii soo gaaray.
Waxaa xusid mudan in qaraxaasi uu sidoo kale ku dhintay sarkaal kabtan ah oo magaciisa lagu soo koobay Qoorgaab, taas oo dhimashada ka dhigaysa laba sarkaal oo kala haystay darajooyinka ciidan ee laba xidigle iyo hal xidigle, sidoo kale waxaa howlgalkan ku dhaawacmay 5 askari.