Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay xaafadda Carwo Iidko ee degmada Howlwadaag ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka kaasi oo darajadiisa ciidan ay aheyd laba Alifle.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubaysan ay qeybta sare ee jirka ka toogteen sarkaalkan oo magaciisa lagusoo gaabiyay Max’med Cali.
Weerar kale oo ka dhacay degmada Huriwaa ayaa lagu dilay mas’uul katirsanaa maamul degmada waxaana lagu magacaabi jiray Naxar, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus.