Wararka ka imaanaya waddanka Kenya ayaa sheegaya, in ugu yaraan lix xubnood oo Kenyaan ah ay dhinteen, halka kuwa kalena ay aragga beeleen, qaarna xaalad halis ah ay ku suganyihiin, kaddib markii ay ka dhargeen daroogada halista ah ee Khamriga.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Kangai ee dhacda deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga, saraakiisha booliska ayaana xaqiijiyay in ugu yaraan lixda xubnood ay dhinteen, ka dib markii ay cabeen daroogada khamriga.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sidoo kale soo wariyay in shan xubnood oo kale ay aragooda waayeen, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii daroogada cabay, halka kuwa kalena xaaladooda lala tacaalayo.
Guddoomiye ku xigeenka xukuumadda Nairobi ku matasha Bariga Mwea Teresiah Wanjiku ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegtay in 7 qof oo kale ay xaaladdooda caafimaad halis ku jirto, kuwaas oo imuka lala tacaalayo.