Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose, ayaa lagu khaarajiyay laba xubnood oo murtadiin ah oo ka mid ahaa maleeshiyaadka dharcadka sirdoonka kooxda Riddada Somalia.
Howlgalkan ayaa Allah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana xubnaha jawaasiista ah ee la khaarajiyay lagu kala magacaabi jiray, Maxamed Ismaaciil iyo Cali Amadeey, howlgalkan ayaana qayb ka ah howlgallada gaarka ah ee ay mujaahidiintu ku ugaarsanayaan sirdoonka Riddada.
Dhanka Banaadir, howlgal qarax ah oo mujaahidiintu ka fuliyeen xaafada Tarabuunka ee degmada Hodon ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 3 askari oo murtadiin ah, howlgal kale oo qarax ah ayay ciidanka mujaahidiintu ku beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa Sarkuusta, khasaare kala duwan ayaana ka dhashay oo soo gaaray murtadiinta.
Shabeellada hoosena, howlgal qarax ah oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Shalanbood waxay ku beegsadeen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta ay ku leeyihiin deegaankaasi, khasaare ayaana lasoo wariyay.