Qaadiga Maxkamadda Shareecada Islaamka Jubbooyinka ayaa ku dhawaaqay xukunka isagoo mid mid u sheegay magacyada afarta jaasuus iyo mid kastaba falka uu qirtay in uu gaystay.
Waxa ugu horreeya Siyaad Cali Cabdi, da’diisuna waa 26 sano jir, waxa lagu helay oo uu qirtay inuu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka CIA. waxaanu fuliyay howlgallo halis ah. sida duqayn ka dhacday Kuunyobarow Oo lagu dilay Maxamuud Sandheere iyo sidoo kale duqayntii macaskarkii Hiiraan, sidoo kale wuxuu ka dambeeyay dilkii gaaladu u gaysatay Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Xarakada Alshabaab, wuxuu sheegay in lasoo qabtay isagoo sugaya lacagtii lagu siin lahaa dilka Yuusuf Xaaji.
Eedaysanaha labaad waa Yuusuf Makaraan Maxamed waa 58 jir, waxa lagu helay in uu ahaa Jaasuus la shaqeeya ciidamada dowladda Fadaraalka, waxaanu soo qaatay mashruuc uu ku dhisayo shabakad jawaasiis ah oo la shaqaysa gaalada, waxana la qabtay isagoo howshaa ku jira.
Eedaysanaha saddexaad Axmed Ibraahim (Gallad) da’diisu waa 28 jir. wuxuu la shaqaynayay sirdoonka Kenya.
Ninka afaraad waa Cabadallahi Cali Xasan da’diidu waa 26 jir., asna waxa lagu helay fal Jaasuusnimo, wuxuu la shaqaynayay sirdoonka Maamulka ridada, wuxuu ka shaqaynayay Xamar iyo Afgooye, kadibna waxa loo soo diray wilaayaadka islaamiga ah oo lagu qabtay.
Kadib waxa dhacay xukunkii dilka ahaa iyadoo raggan afarta ah loo dilay si ka duwan sidii hore loogu dili jiray jawaasiista. waxana laga jaray madaxa oo dhabarka ayaa loo saaray.