Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa weerarkii ugu waynaa abid ka gaystay magaalada Dimashqa ee caasimadda u ah dalka Suuriya, wuxuuna ciidankiisa u dhaqaajisay dhanka caasimadda, iyaga oo caasimadda usoo jirsaday wax ka yar 25 Km.
Idaacadda ku hadasha afka ciidamada maamulka Sahaayinada ah waxay sheegtay in ciidamadoodu burburiyeen awooddii ciidan ee Suuriya, sidoo kalena qaadeen hawlgalkii cirka ee ugu waynaa taariikhda maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.
Raadiyaha afka ciidanka gumeystaha ku hadla oo soo xiganaya ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, ayaa sheegay in ciidankiisu burburiyeen diyaarado, maraakiib dagaal iyo xarumo sirdoon oo ku yaalla Suuriya, si ay uga hortagaan buu yiri in kooxaha mucaaradku gacanta ku dhigaan.
Wakaaladda wararka ee Reuters waxay dhankeeda sheegtay iyada oo soo xiganaysa laba ilo wareed amni oo mandiqadda ku sugan in ciidamada uu madaxa u tahay Binyamin Netanyahu ay gaareen deegaanka Qadhna, oo 10 KM gudaha ugu jira Suuriya marka la eego xuduudda mala-awaalka ah ee uu samaystay maamulka Yahuudda, deegaankan ayaa dhanka bari ka xiga buuraha Juulaan ee Suuriya ee gumeysiga ku jiro.
Map la helay ayaa sidoo kale muujinayay in ciidanka Yahuuddu gacanta ku dhigeen Jabalu-sheekh iyo tuulooyin kale oo ku xeeran Juulaan, waxayna hadda ku suganyihiin meel 25Km oo kaliya dhanka koonfur galbeed ka xigta caasimadda Suuriya.
Waxay tani muujinaysaa sida Yahuuddu u diidan tahay in Suuriya yeelato dowlad madaxa bannaan oo xoog badan, kaddib markii awood ciidan xilka looga tuuray dhiigyacab Bashaar Al-asad, kaasi oo muddo nus qarni ka badan ay qoyskiisu madaxa kaga taagnaayeen muslimiinta sunniga ee Suuriya.