Waxaa la shaaciyay khasaaraha dhimasho midka dhaawaca iyo burburka ka dhashay duqaymaha wuxuushnimo ee maamulka gumeystaha Yahuudda uu ka gaysanyo magaalada Gaza, kuwaas oo boqolkiiba lixdan uu ku dilay caruur iyo haween.
Wasaaradda caafimaadka Falastiiniyiin ee Marinka Gaza ayaa Arbacada maanta ah shaacisay in ku dhawaad 60% khasaarihii ka dhashay duqeymaha Yahuudda ee Gaza ay ku dhaceen haween iyo caruur aan waxba galabsan.
Yuusuf Abulrish oo ah wakiilka wazaaradda caafimaadka ayaa sheegay in dhammaan goobihii la dhigayay bikaannada ay yihiin kuwa ciriir ah, islamarkaana gabaabsi yihiin dawooyinka iyo agabyadii caafimaad.
Wazaaraddu waxay dhanka kale sheegtay in khasaaraha dhimasho ee Falastiiniyiinta kasoo gaaray duqaymaha Yahuudda ee Gaza oo kaliya ay yihiin 1,055 falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen 5,184 kale, kuwaas oo lixdan boqolkiiba ay yihiin carruur iyo haween.