Diyaaradaha iyo doomaha dagaal ee maamulka Yahuudda ayaa maalintii labaad oo xiriir ah kaddib xabad joojinta, weerar xooggan ku qaaday magaalada Khan Yoonis ee dhacda koonfurta Gaza, iyo magaalada Dayr al-Balax, halkaas oo ku shahiideen tobaneeyo qof oo Falastiiniyiin ah.
Maamulka caafimaadka ee magaalada Gaza ayaa shaaciyay in ugu yaraan 240 qof ay ku shahiideen duqaymaha wuxuushnimo ee Yahuudu ka wado Marinka Gaza tan iyo markii ay dhammaatay xabbad joojinta ay Yahuuddu la gashay kooxaha wax iska caabinta.
Xarumaha caafimaadka ee Gaza ayaa sidoo kale diiwaan geliyay dhaawacyada inka badan 650 qof, kuwaas oo ka dhashay boqolaal duqeymo cirka ah iyo madaafiic ay adeegsanayeen doonyaha dagaal ee Yahuudda.
Duqaymahan bahalnimo ee ka dhanka ah dadka rayidka ah waxaa dhanka kale ku burburay tobannaan guri iyo dhismayaal kale oo ku yaal magaalada Khaan Yoonis, ee dhacda koonfurta marinka Qaza.
Dhanka kale, kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa weeraro iska caabin ah la beegsanaya Yahuudda xoogga lagu dajiyay dhulalka barakaysan ee Falastiin, gaar ahaan nawaaxiga marinka Gaza.
Kooxaha wax iska caabintu waxay shaaciyeen in madaafiic dhow ah ay maanta la beegsadeen saldhigyo ay ciidanka Yahuuddu ku leeyihiin bariga Maghin oo ka mid ah deegaannada xoogga lagu dajiyay.