Ugu yaraan laba qof oo muslimiin ah ayaa ku shahiiday halka kuwa kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib markii ciidanka Yahuuddu ay duqayn dhanka cirka ah la beegsadeen masjid kuyaal mukhayamka Janiin ee dhaca daanta galbeed ee Falastiin.
Hayadda bisha cas ee ka howlgasha Falastiin ayaa dhankeeda xaqiijisay in duqayntaasi Yahuudda ay ku shahiideen 2 qof oo Falastiiniyiin ah, tiro kale oo intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, duqayntan ayaana qayb ka ah beegsi ba’an oo maleeshiyaadka maamulka Yahuuddu ay maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen Jiniin oo ka tirsan Daanta galbeed.
Masjidka ay duqaynta la beegsadeen Yahuudda waxaa lagu magacaabaa masjid Al-ansaar oo kuyaal xaafadda Al-damj oo ka tirsan Mukhayamka Jiniin, idaacadda Yahuudda ayaa sheegtay in masjidkan ay duqayn dhanka cirka ah la beegsatay diyaarad dagaal oo uu leeyahay maamulka gumeystaha.