Dowladda kaafiradda ah ee Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadeedu sii joogi doonaan deegaannada ay duullaanka saliibiga ah kaga suganyihiin ee Koonfurta Somalia, kadib markii lasoo gabagabeeyo isbahaysiga Kuffaarta Afrikanta oo tan iyo 2007-dii duullaan ashahaada la dirirnimo ah kaga jira Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowladda Yugaandha ee ku sugan Somalia ayaa sheegay inay xiriiro la sameeyeen waxay ugu yeeraan golaha ammaanka ee ururka qaramada midoobay, ayna golahaasi ka codsadeen inay ciidamadoodu sii joogaan Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka ay ugu magac dareen ATMIS.
Sarkaalkan lagu magacaabo Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada kuffaarta Uganda ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ayaa xogtan bixiyay, isagoo warbaahinta u sheegay inay ciidamadiisu kusii sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya, wargayska Dayly Monitor ee laga leeyahay Uganda ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka Uganda goobaha ay joogi doonaan uu ka mid yahay deegaanka Ceel-jaalle ee hoostaga degmada Marka ee Sh/hoose.
Ku xigeenka madaxa howlgallada ciidanka Uganda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Isbahaysigiisa saliibiga ah ee (ATMIS) uu dhiig-bax daran la kulmay isbagaysiga, kaddib markii ay mujaahidiintu weeraro isdabajoog ah ku beegsadeen saldhigyada isbahaysiga, deegaanno dhowr ahna la wareegeen.
Hadalka kasoo yeeray saraakiisha ciidanka Yugaandha ee Soomaaliya ayaa muujinaya sida dowladda Uganda ay ugu ololeynayso inay ciidamadeedu sii joogaan Soomaaliya, waxaana xusid mudan in dowladdan ay tahay dowladdii ugu horraysay ee ciidamadeeda soo gelisa dagaalka ashahaada la dirirka ah ee ciidanka kuffaarta Afrikaanta ah ay kaga jiraan Soomaaliya.