Inta badan wadama Yurub waxa ka jira xaalad cabsi oo aad u daran kadib markii Koroonihii uu si daran u dhex jibaaxay isagoo ka duwan noocyadii hore loogu yaqaanay kana faafitaan badan, hadda saddex nooc oo cusub ayaa soo baxay, dowlado badan ayaana soo celiyay xaaladdii bandowga ahayd.
Tusaale ahaan Jarmalka oo ah wadanka lagu sheego in ay haystaan dhakhaatiirta aduunka ugu qaalisan ayaa hadda maraya xaalad jahawareer iyo quus ah, ciidamada millatariga ayaana lagu amray in ay maydadka guraan kadib markii dhakhaatiirtii ay tabar dhigeen.
Dhimashada dadka waxa uga daran reer Yurub, dhaqaalihii ay caabudi jireen oo si fudud ku burburaya, hadda waxa haysta labo daran mid dooro, ama guryaha ku jira oo gaajo u dhinta ama Koronaha banaanka ugu soo baxa, dadwaynuhu way mudaharaadayaan waxayna dalbanayaan in intii gaajo loo dhiman lahaa Koronaha bannaanka loogu baxo, dowladuna xoog iyo ciidan ayay u adeegsanaysaa.
Meelaha kale ee Koroonuhu uu faraha ba’an ku hayo waxa ka mid ah Maraykanka, Ruushka iyo Hindiya oo ka mid ah dowladaha awoodda sheegtay.
Hadii aad u fiirsato sida ay wax u socdaan iyo wadamada Koroonaha sida gaar ah loogu salliday, waxad arkaysaa in koronuhu uu yahay Mucjiso rabbaani ah oo lagu edbinayo wadamadii kibray ee gaalnimada dadka ku qasbayay, muslimiintana weerarka ku hayay oo la leeyahay car iska celiya.